Xildhibaanadii gaaray magaalada Cadaado oo kulan la qaadanaya Xaaf

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Cadaado si ay u qaboojiyaan Xiisada Siyaasadeed ka aloosan Maamulka Galmudug.

Xildhibaanadan ayaa Kulan albaabadu u xiranyihiin la leh Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayagoona wax ka wayn diina Khilaadkan sii xoogeystay.

Sidoo kale Xildhibaanadu waxa ay la kulmi doonaan Masuuliyiinta kale ee Maamulka Galmudug sida Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenkiisa isla markaana waxa ay wax ka weydiin doonaan Khilaafkan ka taagan Maamulka Galmudug iyo sida ay wax u tabanayaan.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, iyadoo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray go’aanka Xildhibaanada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday, isagoo xusay in toban xildhibaan oo meel isugu timid aanay xilka ka qaadi karin, isla markaana dastuurka Galmudug uu dhigayo in muddo lix bilood mooshin laga keeni karin Madaxweynaha, maadaama uu isaga xafiiska joogo kaliya 4 bilood.

Si kastaba ha ahaatee xiisada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa salka ku heysa khilaafka Khaliijka oo saameyn ku yeeshay siyaasada Soomaaliya, isla markaana maamulada dalka ka jira ay qaarkood taageeraan Isbaheysiga Sacuudiga, kana hor-yimid go’aankii dhex dhexaadnimada ee dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka Khaliijka.