Xildhibaanadi Maamulka K/Galbeed ee ku sugnaa muqdisho oo ku laabtay magaalada Baydhabo

Xildhibaanadii maamulka Koofur Galbeed ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon karo Xildhibaanada ayaa waxaa saaka aroortii basas looga qaaday Hoteladii ay degenaayeen Magaalada Muqdisho, waxaana dib loogu celiyay Baydhabo.

Tallaabada Xildhibaanada looga soo qaaday Baydhabo ee loo keenay Muqdisho ayaa banaanka soo dhigtay faragelinta dowladda Federaalka ku heyso doorashada Koofur Galbeed, gaar ahaan taageerada ay siineyso Musharax gaar ah.

Guddigii doorashadda ee shaqadda ka tagay ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in xildhibaanadii Koonfur Galbeed ay ku heysato Hoteello ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada maanta dib ugu laabtay Baydhabo ayaa gaarayay ilaa 40 Mudane, waxaana lagu waddaa in saameyntooda laga dareemo Magaalada Baydhabo