Xildhibaanada oo dhageysan doona Khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay dhageysan doonaan khudbadaha waxqabadka qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Guddiga qaban-qaabada doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo shalay soo xirey araaji qabashadda Musharixiinta ayaa sheegay in ay is diiwaan galiyeen 11-musharax oo isugu jira Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsanaa Xukuumadda Soomaliya.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay si taxadar leh ay u dhagaysan doonaan Khudbadaha Murashaxiinta Islamarkaana ay ka soo xulan doonaan Xildhibaankii ay u arkaan inuu Baarlamaanka hogaamin karo.

Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa iska casilay 9-kii bishaan Gudoomiyihii hore Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari,kadib cadaadis uu kala  kulmay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.