Xildhibaanada madowga mareekanka ah oo ku baaqay in la gaargaaro wadamada Afrika ee ay abaarahu ka jiraan

Guddi xildhibaanada madowga ah ee Mareykanka ee ku jira golaha Sanetka Mareykanka ugu qaabilsan Afrika ayaa ku baaqay in si deg deh ah loo qaado tallaabo looga hortagayo baajinta masiibo bani’aadannimo oo ka dhacda dalalka ay hadda ka jiraan abaaraha.

Kulan ay guddigan shalay ku yeesheen xarunta baarlamaanka Mareykanka ee Capital Hill ee magaaladan Washington ayey ku sheegeen in xaalada abaaraha ee dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Neyjeeriya ay mareyso meel khatar ah, loona baahan yahay lacago deg deg ah oo lagu badbaadiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Kulankan ayaa warbixino looga dhagaystay hay’adaha gargaarka bini’aadanimada caalamiga ah ee ka shaqeeya wadamada kala ah Somalia,south Sudan, iyo Nigeria John brows oo ah agaasimaha WFP xafiiskeeda magaalada washigton ayaa sheegay inay tahay abaarta ka jirta Somalia mid aad qatar u ah loona baahanyahay beesha caalamku inay garab istaagto Dowlada Somalia oo la tacaaleysa xaaladaha abaaraha ka jira dalkeeda.

John Brows ayaa sheegay inaysan wali helin lacag dhan 6.4 bilyan oo Dollar taasoo wax looga qabanaye xaaladda abaaraha 4 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto, sidoo kale waxa uu intaas ku daray in wax badan laga qaban karo xaaladaha cakiran waase haddi ay beesha caalamku meel uga soo jeesato wax u qabashada dadka abaareysan.

Sidoo kale agaasimaha WFP xafiiska Washington waxa uu aad u amaanay Dowlada Somalia iyo Shacabka iskood isku xilqaamay kuwaas oo la tacaalaya dadka ay abaarahu saameeyeen, waxa uu intaas sii raaciyay waxan dareemayaa inay macluushu meel walba ka jirto oo Soomaaliya ka mid ah waxaana loo baahanyahay inaan si wada jira wax uga qabanao waxaana ka jawaabeynaa caawimida caruurta yar yar iyo dumarka u nugul macluusha wax walba wan qaban karnaa hadaan helno sahaydii loo baahnaa.

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa damacsan inuu ka jaro lacagaha uu siiyo sanad walba Q/midoobay taasoo lagu gargaaro dadka caawimaada u baahda taasoo saamayn wayn ku yeelan doonta hay’adaha samafaleed ee Q/midoobay, arintaan ayaa sidoo kale saamayn doonta la dagaalanka abaaraha iyo macluusha ka jirta qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Karen baise oo ah xildhibaanad laga soo doorto Gobolka California kana tirsan xisbiga dimuqraadiga  ayaa warbaahinta u sheegtay in Gudigoodu uu wado qaraar lagu horgayn doono kongreska kaasoo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa qarashaadka gurmadka abaaraha ee Afrika.

Waxayna hadal kooban ku sheegtay kahor inta aanan galin arinta miisaaniyada waxaa jiro qaraaro is daba joog ah  waxaana ognahay in dowladu kasii dhamaaneyso lacagta bisha April sidaasi daraadeed  waxaa jiri karta suurta galnimada ah in lacago dheeraad ah lagu soo daro laakiin waxaan rabnaa inaan xaqiijino in xubnaha kongreska ay fahmaan arinta loo soo jeediyay taasna waan isku soo hadal qaadnay waxaa kaloo ogaataa in arinta miisaaniyada madaxweynaha uu kongresku uu diyaariyo isla markaasna uu qoro.

Karen baise waxay amaantay doorka qurba joogta Africa ay ka qaateen gurmadka abaaraha gaar ahaana qurba joogta Soomaalida, xubnaha ku jira kongreska oo ka hadlay abaaraha kulankoodan doorka ku saaray xaalada abaarta koofurta Sudan.

xubnaha ka socday hay’adaha samafalka ee ka howl gala dalkaas ayaa sheegay in dowlada iyo mucaaradka labaduba ay masuul ka yihiin dhibaatda bini’aadnimo ee ka jirta dalkaas John brenredgast oo ah agaasimaha mashruuca “Enough”isla markaana ah qoraa wayn khibradna u leh arimaha Africa ayaa  sharaxaya asalka abaarta ka jirta Koofurta waxa uuna sheegay in sanadki 2015 ay dowlada iyo mucaardku si isku mid ah ay u ugaarsadeen dadka rayidka ayakoo diiradav saaraya hantidooda qaaska ah gaar ahaan Lo’da isla markaasna ay abaartu saas ku bilaabatay, waxaana intaas sii dheer in dowlada iyo mucaaradku ay weeraro joogta ah ku halakeeyeen ayagoona wadooyinka gargaarka loo marsiin lahaa ay ka jareen dadka macluushu ay ku dhufatay.