Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen Gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Sheekh Cismaan Bare Maxamed ka dib khilaaf soo kala dhex galay.
Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Caddow oo u hadlay xildhibaanadii ka gudbiyay mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dib ula laabteen mooshin ay saxiixeen 39 xildhibaan iyagoo eegaya midnimada baarlamaanka iyo duruufaha adag ee baarlamaanka Hirshabelle
Arintaan ayaa timid ka dib markii xalay Magaalada Jowhar ee Xarunta Mamulka Hir-Shabeelle ay kulan ku qaateen Madaxweyne ku xigeenka maamulka hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi(Guudlaawe) iyo xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay garawsadeen dhibaatooyinka guud ee heesta dadka ku nool Gobolada iyo deegaanada uu ka kooban yahay maamulka Hir-Shabeelle ay joojiyeen mooshinkii ay ka keeneen gudoomiye Sheekh Cismaan Barre Maxamed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Maxamed Barre ayaa soo dhoweeyay una mahadceliyay xildhibaanadii mooshinka ka keenay kadibna dib ula laabtay, waxana uu sheegay in ay ula mid tahay caawa habeenkii loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka maadaama mooshinka lagala noqday.
Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay dib ula laabashada Mooshinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyagoo kula dardaarmay xildhibaanada baarlamaanka inay midoobaan.
Soo afjarida khilaafka u dhexeeyay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle oo ah baarlamaan aan muddo dheer jirin ayaa waxaa door weyn ka qaatay Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xuseen.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo hoygiisaba waxaa ka socday kulamo lagu qaboojinayo xiisada soo dhex gashay xildhibaanada waxana uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxweyne ku xigeenku xildhibaanada mooshinka ka keenay iyagoo ugu dambeyntii ka aqbalay inay dib uga laabtaan mooshinka.
Arintaan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili uu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.