Xildhibaanada Beesha dir oo war Murtiyeed kasoo saaray Shirka Garoowe

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Beesha Dir ayaa war murtiyeed ka soo saaray kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasoo ay uga hadleen Shirka ka socda Garowe.

War murtiyeedka ka soo baxay shirkooda ayaa lagu sheegay in Shirka ka socda Garowe aanu ka turjumeyn midnimada, talo wadaagga iyo awood qeybsiga ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aanay matalaad siyaasadeed ku laheyn shirkaas, isla markaana ay cadaalad darro u arkaan shir kasta oo looga hadlayo arrimaha Masiiriga ah oo aan ku saleysneyn awood qeybsiga siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-