Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ka doodaya Mooshin la xariira Arrimaha Ganacsiga

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta ka doodaya Mooshin ku saabsan joojinta soo dhoofinta badeecooyinka laga heli karo dalka in laga keeno dalka dibadiisa.

Mooshinka ayaa waxaa saxiixay 53 Xildhibaan, waxaana hogaaminaya oo so diyaariyay Mooshinka Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah Guddiga Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka ee Golaha Shacabka.

Mooshinka ayaa waxaa ku qornaa in badeecooyin Soomaaliya ay soo saarto deeq ahaan in dalka loo keeno ama dhinaca ganacsi ahaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in mooshinkan uu ganacsatada Soomaaliyeed u fududeynayo iney suuq uhelaan wax soo saarkooda.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka Maanta ka doodaya Nuxurka Warbixintii Guddiga Madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Maanta laga hor aqrinaya Akhrinta 2-aad ee Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka.