Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ah ansixinta sharciyo iyo heshiis Xukuumadda federaalka Soomaliya u soo gudbisay.
Xildhibaanada ayaa maanta cod u qaadaya heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kaasoo bishii August ee sanadkan uu soo saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar.
Xildhibaanda ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka doodayay heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista waxayna soo dhameeyeen akhrinta heshiiskaas.
Heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ayaa dhigaya in dowladda Hindiya ay Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiista xukunka ku dhacay ee ku jira xabsiyada dalkaas, si ay xukunkooda ugu dhameystaan dalkooda.
Golaha shacabka ayaa waxaa hor yaala in ka badan 10 Hindise sharciyeed oo horay Xukuumadda u soo gudbisay.