Xildhibaan Odowaa oo si kulul ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland

Wasiirkii hore Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya haatana ah Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Odowaa ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxuu kaga hadlay shirkii jaraa’id ee Madaxweynaha Puntland uu shalay ku qabtay Abu Dhabi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa qoraalkiisa si gaar ah waxuu ugu qotomay ereyadii uu Madaxweyne Gaas ku cabiray Muqdisho.

Halkaan Hoose Ka Akhriso:

”Muqdisho waa Maagaalo Madaxdeena!
Waxaan dhagaystay shirkii Jaraa’id ee Madaxweyne Gaas uu ku qabtaay Dalka Imaaraatka kaas oo uu ku sheegay “Muqdisho Soomaliya maaha, Soomaaliyana Muqdisho maaha”.
Waxaan la soconaa in ay jirto kala aragti duwanaasho u dhaxaysa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Gaas oo ku saabsan khilaafka Khaliijka. Waxaan filaynay wixii eedeyn ah oo arinkaas la xiriira inuu u jeediyo maamulka federaalka ah ee talada haya.
Mudane Gaas munaasib kuma ahayn in uu Muqdisho maago, inkirana Soomaalinimadeeda, ayadoo ah meeshii uu wax ku bartay, kana shaqo bilaabay.
Buqcad kasta oo Soomaaliya ku taal waa Soomaaliya.
Muqdishana waa hooyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.