Xildhibaan Odawaa oo sheegay in uusan la shaqayn karin Guddiga loo Xil saaray Arrinta Qalbi dhagax

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ahaa Guddigii maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u xil saaray Kiiska C/Kariin Qalbi Dhagax oo dhawaan lagu wareejiyay Dowlada Itoobiya ayaa ka cudur daartay in Guddigasi la shaqeeyo.

Odawaa oo dalka ka maqan ayaa sheegay in uu ka cudur daaranayo in uu guddigaasi la shaqeeyo, waxa uu tilmaamay in uu hada dalka ka maqan yahay ayna suurto gal aheyn in guddigaasi la shaqeeyo.

”Waxaan ka cudur daaranayaa in aan la shaqeeyo Guddiga la igu daray, safar shaqo ayaa dibadda ugu maqanahay, suuro galna maahan in aan guddiga la shaqeeyo maadaama ay si deg deg ah u howl galayaan” Ayuu yiri Xildhibaan Odwaaa.

Gudoonka Baralamaanka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay 15-Xubnood oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ,kuwaa loo xil saaray in ay kasoo talo bixiyaan Kiiska C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay dowlada Itoobiya .