Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa xalay ku geeriyooday Xildhibaan C/kariin Maxamed Cusmaan (Ciro) oo kamid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Alaha u Naxariistee Xildhibaanka ayaa la sheegay In mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa Magaaladda Muqdisho, islamarkaana xalay uu geeriyooday.
Xildhibaan Salaad Ceynte oo kamid ah Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanka uu muddo Xanuunsanaa islamarkaana uu xalay geeriyooday.











