Xil ka qaadista Madaxtooyada oo wax iska caadi ah noqotay ayadoo markaana Shaqaalihii ugu badnaa xilka laga qaaday

Wararka aanu ka helayno gudaha madaxtooyada ayaa sheegaya in maanta Xilka laga qaaday Mas’uuliyiin badan oo ka shaqaynayay Xarunta Madaxtooyada, Isbedelkan dhacay ayaa aad looga dareemay gudaha Madaxtooyada.

Waxaa kamid ah Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday Madaxii Protocol-ka Madaxtooyada oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf iyo Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada C/llaahi Kulane oo 16-kii May xilkan loo magacaabay isla markaana hayay xilkan wax ka yar bil.

Sidoo kale Wararka ayaa waxa ay sheegyaan in Sagaal Xubnood oo kamid ahaa Dhalinyaro u tababaran dahnka Protocol-ka iyana meesha laga saaray loona bedelay dhankaa iyo Wasaarada Arimaha dibadda Soomaaliya.

Arintaan aya imaaneysa kadib magacaabistii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin walow isagu uu dalka ka maqan yahay islamarkaana uu lahaa amarka xilalka looga qaaday ragaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socotay xilka qaadista xukuumada Madaxweyne Maxamed cabdullaahi(Farmaajo) waxana xusid mudan in mudo Sadax Bilood Gudahood ah Madaxtooyada Soomaaliya ay yeelatay Sadax Agaasime.