Xiisada ka taagan Puntland iyo Somaliland oo sii xoogeysatay iyo dagaal laga cabsi qabo

Sida wararka aan ku helayno waxaa saacadihii ugu dambeeyey sare u kacday xiisadda ka taagan Maamuada Puntland iyo Somaliland gaar ahaana Soohdimaha ay wadaagaan oo ay ku kala sugan yihiin ciidamadooda, taas oo ka dhalatay muranka dhinaca Doorashooyinka ah.

Somaliland oo sheeganaysa deegaanada qaarkood ayaa doonaysa in ay doorashadeda ka hirgaliso deegaano ka mid ah gobalada Sool, Sanaag & Cayn, talaabadaas oo ka careysiisay Puntland.

Warar ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in ay si buuxda saacadihii ugu dambeeyey ciidamo badan u geeyeen Aagag kala duwan, taas oo cabsida kor u qaaday.

Hanjabaadaha labada dhinac is dhaafsanayaan ayaa xaaladda uga sii daraya, gaar ahaana markii ugu dambeysay sadexda musharax ee u taagan Madaxtinimada Somaliland ayaa muujiyey xaalad dagaal.

Puntland ayaa khamiistii ku dhawaaqday in ay qaadayso talaabo kasta oo ay ku difaacayso deegaanadeeda, aysana u dulqaadan Karin daan-daansi uga yimaada dhinaca Hargeysa.

Khilaafka iyo Muranka Sohdimaha ku saabsan ee labada maamul ayaa soo taagnaa tan iyo 2003-dii xiligaas oo ahayd markii ay Puntland qabsatay Laascaanood, laakiin Somaliland ayaa dib u qabsatay 2007-dii, taas oo ilaa hadda xiisadeedu taagan tahay.

Sheegashada Somaliland ee deegaano ku yaala gobalada Sool, Sanaag & Cayn ayaa dib u soo celisay xaaladda ka taagan labada dhinac, cabsida ugu badan ayaa laga cabsi qabaa dagaal dhaca saacadaha soo socda.