Xeer-ilaaliye Ku-xigenka 1aad Ee DFS Oo Shaqada Laga Ceyriyay

Waxaa maanta shaqada laga diray xeer-ilaaliye ku-xigeenka 1aad ee Soomaaliya Axmed Cali Aybakar

Warar ay heshay Goobsan Media ayaa sheegaya in Axmed Aybakar loo ceyriyay sababo la xiririira xarigii siyaasiga mucaaradka ahaa ee Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Axmed Cali  Aybakar dhankiisa weli wax war ah kama soo bixin.

December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa goobta lagu dilay, isagana waana la xiray, is-jiid-jiid iyo maxkamadeyn kadib waa lagu waayey wax dambi ah, waana la sii daayey.