Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Hay’adaha kala duwan ee dowladda laga doonaayo in aysan qaadan daqliyadda kala duwan ee soo gala laakiin ay kusoo shubaan Koontadda dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan Hay’ado ka mid ah kuwa dowladda oo iska maamusha daqliyadda soo gala ,islamarkaana arintaasi ay tahay Sharci daro.
Xafiiska Hanti dhowrka iyo sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayuu ugu baaqay in ay qaadan tilaabooyin arintaasi wax looga qabaanaayo.
Axmed Cali Daahir ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan daqliyadda soo gala Hay’addaha dowladda lagu soo hagaajiyo Qasnadda dowladda.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ugu horeyn lacagaha la qabto ay ku dhacdo qasnada dowladda isla markaana ayaga hadhow dib loogu celiyo saasna ay ku noqoto wax ay xukuumadu ogtahay oo wasaarada maaliyadana ay ka warhayso markaas kadib waxii mishaar ah iyo waxii wasaaradu xaq u lahayd saas haku gudato.
Axmed Cali ayaa sheegay in dhamaan wasaaradahu ay qabtaan dakhli balse ay ayagu iska maamsushaan ayna taasi tahay nasiib daro ayna noqoneyso sifo sharci daro ah.