Faafaahin dheeri ah ayaa laga helayaa dad shacab ah oo ciidanka Itoobiyaanku ku xasuuqeen Gobolka Hiiraan, Ciidankan Itoobiyaanka ah ayaa si ula kac ah u bartilmaameedsadaan dad shacab ah.
Ciidamada Itoobiya oo kasoo baxay dhanka magaaladda Beled-weyne kuna sii jeeday degmada Halgan ayaa weeraro xoogan kala kulmay kooxda AlShabaab.
Ku dhawaad 15 qof ayaa lasoo sheegayaa iney siyaabo kala duwan udileen ciidamada Itoobiya intii ay usii socdeen degmada Halgan, dadkaas la dilay waxaa u badan Caruur, Haween iyo dad da’ ah kuwaas oo ubadnaa xoolo dhaqato iyo reer guuraa.
Xildhibaan katirsan maamulka Hiirshabelle ayaa xaqiijiyay in xasuuqa ciidamada Itoobiya aysan aheyn kuwa wax laga qaban karo, maadaama ay sameynayaan wax sharciga ka baxsan.
Xasuuqa ay Itoobiyaanku u geysanayaan dadka shacabka ah ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Ra’isul wasaaraha Itoobiya uu sheegay in howlgalkii ay kula dagaalami lahaayeen AlShabaab ay bilaabeen.