Xasan Sheekh oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay Burburinta dowlad Goboleedyada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu shaki ka dhex jiro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, iyadoo dowlada federaalka ugu baaqay inay joojiso faragelinta iyo burburinta.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayuu sheegay inay arkaan faragelin ay ku heyso dowlad Goboleedyada, isla markaana ay ku howlan tahay inay shaqsiyaad riixaan, qaar kalena soo dhoweeyaan, iyagoo siyaasadeynaya dhaqaalihii maamul goboleedyada, kana jaraya maamullada ay is fahmi waayaan.

Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiye ka ah xisbi siyaasdeed ayaa sheegay in doorka dowladda Federaalka ay tahay midka uu tilmaamayo dastuurka oo ah inay ka taakuleyso sidii ay u qabsan lahaayeen doorashada iyo dib u heshiisiinta, basle aan waxba loo yeerin, lana qasbin, isagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay faragelin iyo koontarool badan.