Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee JFS

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad ku guuleystey doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya kadib markii uu wareeggii ugu dambeeyay uu kaga adkaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Madaxweyne ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa isku soo sharaxay illaa 39 musharax balse ay ka hareen illaa afar musharax, balse wareeggii koowaad ayaa waxaa ka soo gudbay afarta musharax ee Xasan Sheekh Maxamuud,Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Saciid Cabdulaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Wareeggii labaad ayaa waxaa ka soo gudbay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha haatan waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ka bilowday dabaaldegga guusha Xasan Sheekh Maxamuud oo mudadii afarta sano ee uu xukunka hayay uu dalku gaaray horumar ballaaran.

Taariiqda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa marlabaad loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore muddo afar sano ah 2012-2016 ahaa madaxweynihii dalka Soomaaliya.