Xafiiska diiwaan galinta Xisbiyada oo magaalada Muqdisho laga furay (Sawiro)

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Dalka ayaa maanta magaalada Muqdisho waxay ka daahfureen Xafiiska diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka ka jira.

Xafiiskaan oo loogu tala galay in uu qabto howlaha Axsaabta kaasoo la doonayo in si gooni ah loogu adeego Xisbiyada doonaya inay isdiiwaan galiyaan.

Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil oo Munaasabada ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in Xafiiskaan shaqadiisa ay noqon doonto diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadeed, maadaama dalka hadda aysan ka jirin xisbiyo la aqoonsan yahay.

Horay waxaa loo magacaabay Madaxa diwaan gelinta Xisbiyadda Siyaasadda oo laga dhigay Xildhibaan hore Maxamed Cumar Maxamuud.