Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saaka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad kacsan ay ka jirto magaalada isla markaana laga cabsi qabo dagaal kale oo magaalada ka dhacay.
Maleeshiyaad ku heyb ah darawal mooto Bajaaj lagu dilay magaalada ayaa shalay weerar ku qaaday saldhigga Booliska magaalada oo uu ku xiran yahay askariga dilka geystay, waxaana dagaal dhex maray ku dhintay 3 qof, iyadoo weli aan xal loo helin arrintaasi.
Maleeshiyadaayaa ku adkeysaneysa in loo soo gacan geliyo askariga dilka geystay oo ay gacantooda ku dilaan, haddii kale ay xoog ku furan doonaan, taasoo xaaladda ka dhigtay mid cakiran, waxaana maamulka gobolka iyo odayaasha degaankaasi aysan weli ku guuleysan inay dejiyaan xiisadda ka taagan magaalada.
Ciidamada Millatariga ayaa kala dhex galay ciidamada Booliska iyo maleeshiyo beeleedkii dagaalamay, waxaana lagu wareejiyay ciidamada Millatariga askarigii dilka geystay, waxaana lasoo weriyay in maleeshiyada dagaalka wada ay hub urursi ku jiraan iyo inay dagaal u diyaarsan yihiin.