Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho oo laga diiday Lacagaha Shilin Soomaaliga

Wararka naga soo gaaraya degmooyin ka mid ah Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi laga diiday qaadashadda lacagta Shilinka Soomaaliga.

Xaafaddo ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa saakay dadka Shacabka ah waxa ay kusoo baraarugeen ,iyadoo oo aan waxba lagu iibsan karin lacagta Shiliga Soomaaliga.

Xaafaddaha Fagax, Arjantiin ayaa waxaa wax lagula iibsanaya kaliya lacagta Doolarka sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka kunool Xaafaddahaasi.

Sidoo kale waxaa sare kac xooggan laga dareemaya lacagta Dollarka,iyadoo saakay Xaafaddahaasi 1 dollar lagu kala sarifanaayo lacag dhan 27 kun oo shilin Soomaali ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhawaan ganacsatadda kunool ay diideen in ay dadka wax uga iibsaddaan lacagta Shilinga Soomaaliga, waana markii ugu horreysay oo Muqdisho laga diido lacagta Shilinga Soomaaliga.