Kadib markii Gelinii dambe ee Maanta Maxkamada Sarre ee Galmudug ay soo saartay War Qoraal ah oo ku saabsan in ay aqbashay Go’aankii ay Xildhibaanada Galmudug si kala Gooni Gooni ah uga qaadeen Madaxweynihii Galmuudg ku xigeenkisii iyo Gudoomiyaha Baarlaamanka Maamulkaas ayaa waxaa ka jawaabay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa tilmaamay Glmudug in aysan laheyn wax Maxkamad Sare ah isla markaana Qoraalka soo baxay uu yahay mid aan waxba ka jirin.
Hadaba Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa horay ugu baaqay in la howlgaliyo Maxkamada sare ee Galmudug si ay Go’aan uga gaarto Khilaafka Siyaasadeed ee hareeyay Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.