Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho Waxaa Goordhow soo gaaray  Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jameeca.

Msuuliyiintaan ayaa waxaa safarkooda ku wehliya Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna Sheekh Maxamuud kuwaas oo maalmahan ku sugnaa Jabuuti.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xaaf oo horay uu ka dhaxeeyay khilaaf Siyaasadeed ayaa heshiis waxa ay shalay ku gaareen dalka Jabuuti,kaas oo ay Garwadeen ka ahaayeen Urur Goboleedka IGAD.

sida wararka aan ku helayno masuuliyiintan ayaa Maalmaha soo socda la filayaa in ay tagaan degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud isla markaana ay Ahlusuna maamusho si ay ugu dhameystan qodobada ka harsan heshiiskii ay ku gaareen dalka Jabuuti.