Xaaf “Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada waxa ay u diyaar garoobeen isku furida dalka”

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay u diyaar garoobeen sidii guud ahaan la isugu furi lahaa dalka, si loo gaaro horumaro balaaran.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayuu sheegay in ay aad uga wada hadleen sidii dalka la isugu furi lahaa jidadkiisa iyo xoreyntiisa intaba.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Xaaf) in Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada aysan shaqeyn Karin hadii aanay shacabka guud ahaan garab istaagin Dowladda Federaalka, Canshuurtana aysan bixin in waxba aysan soconeyn.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay hadii aanay shacabka canshuurta bixin in aanan la gaareyn horumar, aysana jiri doonin Waxbarasho tayeysan, Caafimaad buuxa, iyo Amni la isku haleyn karo, wuxuuna ku baaqay in si joogto ah loo bixiyo Canshuurta.

Madaxweyne (Xaaf) ayaa sheegay hadii ay yihiin Dowlad Goboleedyada in ay ku tashadeen in Dowladda Federaalka ay la shaqeeyaan, Maamul walbana uu degaankiisa uga xoreyn lahaa xoogaga ururka Al-shabaab.

“Annaga hadaan nahay Dowlad Goboleedyada waxaan u diyaar garownay inaan dalka xoreyno, waxaan u diyaar garownay inaan talaabooyin adag qaadno, Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada waxa ay aad uga hadleen xoreynta dalka, Qofkasta waxaa waajib ku ah in dalka uu dhiniciisa ka ilaaliyo, Annaaga hadaan nahay Dowlad Goboleedyada waxaan ku balanay in Maamul walba uu degaankiisa ka xoreeyo cadowga.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa gacanta ku haya oo maamula Magaalooyin ka tirsan Gobolada dalka, Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa qaaday dhowr jeer Dagaallo, balse Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa wuxuu Howlgalkooda u muuqdaa mid aanan buurneyn oo horey u socod aanan laheyn.