Wiil Timo Jare ahaa oo si bareer ah loogu toogtay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho

Rag ku hubeysan Bistoolad ayaa isgoyska Sanca ku toogtay wiil dhalinyaro ah kaasoo si wayn looga yaqaano Degaankaas wiilkan oo ahaa ragga Ku shaqaysta xirfadda Timajaranimada ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Maxamuud.

Wiilkan ayaa la sheegay in ay toogteen rag ku hubeysan Bistoolad kuwaasoo dhowr xabo ku dhuftay wiilkaas dhalinyada ahaa sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Xuseen Xasan oo ahaa Tima jare ayaan la ogayn sababta keentay in ay ragaani ku toogtaan Isgoyska Sanca.

Raggi dilka gaystay ayaa goobta ay dilka ka gaysteen  si nabad galyo ah isaga baxsaday ayadoo aysan jirin cid qabatay balse sida caadada ahayd ayaa waxaa goobta soo gaaray markii falka dhacay kadib Ciidanka Amaanka.