Weerarkii maqaayada Piza House ee magaalada Muqdisho oo lasoo af jaray

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goordhaweyd oo saaka ah soo afjaray howlgal ay tan iyo xalay ka wadeen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay rag ka tirsan Al-Shabab xoog ku galeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya oo ku sugan goobta ay waxyeeladu ka dhacday ayaa xaqiijiyey  in la dilay dhamaan ragii weerarka ku qaaday labada maqaaxi oo ku yaala degmada Hodan.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay in la soo afjaray hawlgalkii saacadaha badan qaatay ee lagula dagaalamaayay xubno ka tirsanaa Shabaab, kuwaasi oo weerar abaabulan ku qaaday Maqaaxida Pizza House ee Degmada Hodan.

Xaaladda hadda waa ay dagan tahay mana la maqlaayo rasaas iyo dhawaqa qoryaha waaweyn oo tan iyo xalay ciidamada ammaanka ay ridayeen, waxaana goobta buux dhaafiyay ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka.

Dhismaha Maqaaxida Pizza House ayaa laga soo saarayaa hadda meydad badan oo dad ah, kuwaasi oo intii dagaalka uu socday meydkooda meesha uu yaalay, maadaama raggii Shabaabka ahaa ay toogteen dadkaasi.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegaya inay gacanta ku hayaan ammaanka xarunta Pizza House iyo Hotelka Posh Treats oo ka soo horjeeda isla maqaayada Pizza House ee weerarka xoogan xalay fiidkii lagu qaaday.

Dhimashada inta hadda la ogyahay waa 15 ruux, waxaana macquul ah in tirada intaasi ay ka badato, maadaama weerarka goor dhaw la soo afjaray oo meydad hor leh laga soo saaraayo dhismaha.

Gaadiidka ambalaaska ayaa qaaday ku dhawaad 30 ruux oo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray weerarka, waxaana la geeyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku yaal, halkaasi oo lagu dabiibaayo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada NISA, ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday, inkastoo Sarkaalkaasi uu ka gaabsaday shaacinta tirada dagaalyahanada weerarka soo qaaday.