Dabley hubeysan ayaa Xalay weerartay Saldhiga Booliska ee ku dhex yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkaasi uu ahaa mid qalqal-geliyay bulshada deegaanka.
Weerarkan waxaa lagu soo beegay, xilli Xalay Salaadda Cishaha laga tukanayay Masaajidka Daawada, oo ku dhex yaala Suuqa Daawada.
Dableyda weerarka soo qaaday, ayaa iska horimaad muddo kooban socday waxay halkaasi kula gashay Ciidamada Booliska, iyadoona dib loo caabiyay dableydii weerarka soo qaaday.
Ciidan badan oo gurmad ahaan u tagey Saldhiga Suuqa Bakaaraha, ayaa waxay goobtaasi ka sameeyeen hawlgal amni xaqiijin ah.
Iska horimaadkan, ayaa waxaan jirin waxyeelo la sheegay inay ka dhalatay, inta illaa iyo hadda laga warqabo.