Inta la xaqiijiyay Hal askari oo ka tirsan booliska Galmudug ayaa dhintay laba kale dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rag hubeysan ay rasaas ay ku fureen xilli ciidamada ay ku sugnayeen kontoroolka koonfureed ee Gaalkacyo.
Saraakiisha Ciidanmada Booliska ayaa xaqiijiyay in Dhimashada iyo dhaawac ayaa ay timid kadib markii askarta iyo kooxda hubeysan ay ku murmeen bixinta lacag laga rabay baabuur taagneyd koontaroolka.
Labada ku dhaawacantay rasaasta la furay ayaa la sheegayaa in la geeyay isbitaalka weyn ee Gaalkacyo Halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.
Ragii dhimashada iyo dhaawac ka geystay koontarolka ayaa la sheegayaa in ay goobta ay ka baxsadeen iyadoona goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug.