Wararka ka imaanaya deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn culus oo dhanka cirka ah ka fuliyeen guri ku yaala gudaha deegaanka Tardo.
Guriga duqeynta lagu beegsaday ayaa lasoo wariyay iney ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, gaar ahaan masuuliyiin uu ka mid yahay Waaliga kooxda ee gobolka Hiiraan iyo hogaanka ciidanka kooxda ee gobolkaas.
Jugta duqeyntan ayaa xalay si weyn looga maqlaayay deegaanada ku dhadhaw Tardo iyo waliba kuwa ka fog fog, hayeshee wali si rasmi ah looma helin khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay diyaaradaha dagaalka ka fuliyeen deegaanka Tardo.
Ma jirto wali war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeynta xalay ka dhacday Tardo iyo khasaaraha lagu gaarsiiyay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Deegaanka Tardo ayaa dhowaan waxaa la wareegay maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib markii ay halkaasi ka baxeen ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.
Ugu dambeyntii duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo gobolka Hiiraan uu weli ka socdo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo doonaya iney dib ugala wareegeen kooxda deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Duqeymo khasaare culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta oo ka dhacay Hiiraan
Ahmed Hussein Adam,
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com