Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo

Ugu yaraan 5 askari iyo afar qof oo ra’yid ah ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo saakay arroortii lala beegsaday guri ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka.

Gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in lala beegsaday guriga guddoomiyaha gobolka Gedo oo ku dhaw xarumo dowladeed oo ku yaalla gudaha magaalada Bardheere.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, sida ay sheegtay warbaahinta kooxdaas.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay inay madaafiic ku weerareen xarumaha dowladda ee magaalada Baardheere.

Masuuliyiinta ku sugnaa goobta la weeraray waxaa kamid ahaa wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Cabdirashiid Janan ayaa magaalada Baardheere u joogay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidankan ayaa qorshihiisu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.