Weerar Cir iyo Dhul ah oo lagu qaaday deegaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/Hoose

Weerar qorsheysan oo isugu jira dhul iyo cir ayna ka qeybgaleen ciidamada sida gaarka u tababaran ee dowlada Soomaaliya iyo ciidamo  Maraykan ah ayaa xalay lagu qaaday deegaanka Toorotoorow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Wararka ku saabsan weerarkan oo goor dhow soo baxay ayaa la sheegay in diyaarado helecoptar ah ay ku daadiyeen ciidamo duleedka deegaanka Toorotoorow kadibna uu iskahorimaad xoogan ka dhacay deegaanka Toorotoorow iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarkan.

Si kasta ha ahaatee weerarkan lagu qaaday Toorotoorow ayaan ahayn kii ugu horeeyay iyadoo hore dhowr jeer weeraro ay ku qaadeen ciidamada dowlada oo garabsanaya ciidamo ajaaniib ah.

Ciidamada Maraykanka oo sida gaarka ah u tababaran ayaa kala qeybgala ciidamada dowlada ee loo yaqaan Danab weerarada gaarka ah ee laga fuliyo magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ururka Alshabaab.

Askari Maraykan ah ayaa ku dhintey mid kamid ah weerarada ay iska kaashadeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Maraykanka ah ee deegaanka Bariire dhowaan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo si rasmi ah ugaga soo baxay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.