Weerar Ciidamada Kenya lagu beegsaday oo ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerar Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan u dhow Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya weerarkaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Booliska Kenya ayaa la sheegay in lagu weeraray deegaan lagu Magacaabo gumaareey oo ku dhow Magalada Wajeer,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Rag hubeysan iyo Ciidamada Booliska Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas lagu qaaday  Gaadiid ay la socdeen Ciidamada Kenya,iyaga oo sheegay inay ku dileen hal askari sidoo kalena ay ku qabsadeen Afar Qori oo isugu jira 2 qori AK47 ah, hal qori M16 iyo qori RPG ah.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari weli dhankooda kama hadlin weerarkaas,waxaana uu kusoo aadayaa xilli maalma ka hor Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Magalada Mandheera.