Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Heegan Ciidan oo lagaliyey Ciidamada Amaanka Magaalooyinka Waa Weyn ee Koofur Galbeed Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Baydhabo iyo Xudur iyo Degmooyinka Gobalada Bay iyo Bakool.
Gudoomiyaha Magaalada Baydhabo C/laahi Cali Watiin ayaa ku dhawaaqay Go’aanka Soo Baxay Maamulka Koofur Galbeed kaasi oo lagu adkeynayo Amaanka Magaalada Baydhabo oo Xarun ku meel gaar ah u ah Koonfur Golbeed.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in la Adkeeyey Amniga Magaalada islamarkaana la howlgaliyey dhamaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed si looga Hortago Weeraro Al-shabaab ay ka gesytaan Magaalada Baydhabo oo Aar-goosi u ah Soo dhaweyntii Maamulka Koofur Galbeed uu sameeyey Shekh Muqtaar Rooboow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa Al-shabaab.
Wararka laga helayo Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Sheegaya in Madaxweyne Shariif Xasan uu Amray in laga Foojinaado Weeraro Al-shabaab ay ka gesytaan Deegaanada Koofur galbeed kuwaas oo Daba Socda is Dhiibida Sheekh Muqtaar Rooboow oo Dowlada Soomaaliya iyo Koofur Galbeed isku Dhiibay ka dib Dagaal uu lagalay Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Abal ee Gobalka Bakool .