Waxgarad ku baaqay in Ahlu-sunna Hubka ay iska wareejiyaan kuna biiraan Galmudug

Qaar ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in maamulka Ahlusunna laga saaro Magaalooyinkaasi.

Odayaal kulan ku yeeshay gobolka Galgaduud, waxa ay sheegeen in dhalinyaradda Ahlusunna ay dhibaato ku hayaan dadka Shacabka ah.

Nabadoonada ayaa ugu baaqay Ururka Ahlusunna ay in hubka dhigaan,islamarkaana ay soo raacaan maamulka Sharciga ah ee ka jira gobolada Dhexe ee Galmudug.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dib u dhac xooggan uu ku yimid Horumarka gobolka Galgaduud, marka la fiiriyo horumarka ka socda Soomaaliya sababtuna ay tahay Ahlusunna oo gooni isku taagtay.

Nabadoonada kala ah Cabdi Maxamuud Siyaad iyo Jamaal Sheekh Cabdi Shakuur ayaa sheegay in Ahlusunna laga doonaayo in ay dhibka ka deyso dadka Shacabka ah.