Waxaa la ogaaday Dadka Dilalka ka geysta Muqdisho ee hadana Sawirro iyo Muuqaalo ka duubta Dadka ay dilaan.

Sanadkan 2018 waxaa magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda ka dhacayay Dilal iyo Qaraxyo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Dowladda Federalka Gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabad Sugida Qaranka.

Hadaba Dilalka la yaabka leh ee ku cusub Bulshada Soomaaliyeed ayaa ah in Qofka marka la dilo kadib laga duubo Muuqaalo ama laga qaato Sawiro ayadoo si toos ah ay Dadweynaha u arkayaan hadaba Dhacdadii u dambeysay waxa ay ka dhacday Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meesha loo yaqaano Cabdalla Shideeye oo Wiil dhalinyaro ah inta lagu dilay Laga duubay Video  sidoo kale waxaa jirtay In Wiil ka tirsan Ciidamada NISA inta la dilay sidoo kale laga qaaday Sawiro taas oo lasoo dhigay Baraha Bulshada waxaana dilalkaas Nuucaas ah geysanayo ayaa ah Ururka Daacish oo Maalmahan dambe bilaababay dilalka nuucaas ah.

Hadaba waxaa is weydiin mudan ayaa ah Kalsoonida Intaas la eg ee Inta qof la dilo Muuqaal ama Sawiro laga qaato ma waxaa laga arkay Habacsanaanta Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dhar cadka oo aan wax Shaqo ah Qabsan xiliyada ay dadku ku mashquulsanyihiin Noloshooda Caadiga ah Mase Shacabka ayaa Kalsooni daro iyo Isku duubni la’aan ka dhex jirtaa?

Ururka Daacish ayaa la shaaciyay in ay 13 dil oo qorsheysan ka geyteen magaalada muqdisho iyo Nawaaxigeeda.