Waxaa bilaabatay Tirinta Codadka Wareega u dambeeyay ee Doorashada madaxweynaha Hirshabeelle

Waxaa Goordhow soo gaba gaboobay Wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo ahaa wareegii ugu dambeeyay waxaana ku tartamayay labada Musharax ee kala ah   Daahir Cabdulle Cawaale iyo  Maxamed Cabdi Waare.

Ilaa 97 Xildhibaan oo Goobjoog ka ah doorashada ayaa codkooda dhiibtay,kuwaas oo kala saarayay labada musharax ee ugu dambeeyay ee ku tartamayaay xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Codeynta ayaa hadda soo gaba gaboowday, waxaana Goordhow la guda galay tirinta codadka ay kala heleen labada musharax ee Daahir Cabdulle Cawaale iyo  Maxamed Cabdi Waare.

kala soco natiijada kama dambeysta Goobsan.com