Guddigii Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya u magacawday inay soo baaraan dhacdadii Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay gaaraan degaankaasi.
Guddigaan ayaa waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.
Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka lagu waddo in ay maanta Gaaraan degaankaasi qaar ka mid ah Eheladda dadkii lagu laayay degaanka Bariire.
Guddigaan, ayaa waxay xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee dadkii lagu dilay Bariire, waxayna ka codsadeen inay u raacaan Degaanka Bariire.
Labo maalin oo kaliya ayaa Guddigaan u hartay waqtigii loogu tala galay in ay jawaab ka keeneen waxa ay ahaayeen dadkii lagu laayay Bariire.