Wasiirkii Hore ee Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo Muqdisho ku geeriyooday

Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirka ayaa ka mid ahaa xukuumadii hore ee Ra’isal wasaare cumar c/rashiid uu hogaaminayay.

Wasiirka ayaa muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxa uuna yaalay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagula tacaalaayay xanuunkiisa.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Wasiirkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi, waxaana aaska ka qeyb gali doono mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

wasiirkan geeriyooday ayaa ahaa Nin wadani ah jeclaayna inay Somaliia mar uun dib u hesho manasabki iyo maqaamki Dowladnimo waxa uuna kasoo jeediyay Goboldad waqooyi ee Dalka Somalia.