Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Cabdi Raxmaan Dahir Cusmaan ayaa hadal jawaab u ah u diray Alshabaab kuwaas oo sheegay inay uga digayaan waalidiinta inay ubadkooda u diraan Iskuulada iyo Jaamacadaha aan ku salaysnayn manaahijta aan islaamiga ah, Wasiirka ayaa sheegay in hadalka Al-Shabaab aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in Manaahijta Soomaalida uu ku saleysan yahay dhaqanka Islaamka iyo midka Soomaaliga.
“Soomaalida manhajkeeda wuxuu ku saleysan yahay Islaamnimo iyo Soomaalinimo, caqiiqadada iyo aragtida Islaamka ay ka turjumeyso”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada oo u waramayay Idaacad afka soomaliga ku hadasha.
Waxaa uu ugu baaqay in aysan Waalidiinta dheg jalaq u siin Al-Shabaab, waxaana uu xusay in iskuulada lagu dhigo Tarbiyada Islaamka iyo luqada Carabiga.
“Cid walba waa ogtahay, waalidiinta Soomaalida waa loo sheegaa, in waxyaabaha lagu dhigo Iskuulada, sida Fasalka Koowaad illaa 12aad in Tarbiyada Islaamiga lagu dhigo”ayuu yiri Wasiirka.
Hadal ka soo baxay Afhayeenka Al-Shabaab ayaa waxaa uu uga digay Waalidiinta inay ilmahooda u diraan Iskuulada iyo Jaamacado uu sheegay in lagu faafinayo waxbarashada reer galbeedka, isagoo u digay iskuulada iyo jaamacadaha.