Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tagay dalka Sudan (SAWIRRO)

Wasiirka Wasaaradda waxbasharadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa gaaray Magaalada Khartum ee Caasimadda dalka Suudaan.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa  lataliyaha Wasiirka Tacliinta Sare, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan .

Ujeedka ay u gaareen dalka Suudaan ayaa lagu sheegay in ay tahay in dowladda Suudaan ay kala hadlaan deeqaha waxbasho ee ay siiyaan Ardeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa inta uu jooggo Sudaan la kulmi doono Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudan.

SAWIRRO