Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Wariye Cawil Daahir

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo argagixisadu Saaka qarax ku dileen.

Wasiir Geelle ayaa naxariista  Janno Alle ugu baryay Wariye Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarradii argagixisadu ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Marxuum Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan  isagoo hadda ka mid ahaa howl wadeennada Taleefishinka Universal.