Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka aan walaalaha nahay ee Khaliijka uu yahay mid wanaagsan.
Wasiirku waxa uu ugu baaqay bahda Warbaahinta in ay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee ka durugsan xushamadda iyo dhaqanka diblomaasiyadda, isaga oo kula dardaarmay in ay ka fogaadaan faafinta wararka aan salka lahayn ee wax u dhimi kara kaaramada iyo sharafta qaranka iyo tan dalalka aan walaahaha nahay.
Wasiirka waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka ay leeyihiin xiriir walaaltinimo oo qotodheer, ayna ka dhaxeeyaan dano badan oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.
Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in, haba yaraatee, aan wax dhaqaale ah looga hadlin kulamadii la xiriiray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee arrimaha Khaliijka.
Wariye ka tirsan Wargeyska Sharqal Awsad oo u dhashay Qatar ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Madaxweyne Farmaajo uu iska diiday 80-milyan oo dollar, si uu xiriirka ugu jiro dowladda Qatar.
Arrintan ayaa qabsatay warbaahinta qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, oo xilligan u muuqda kuwo labo dhinac u kala saftay.