Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo Safiirka Midowya Yurub oo gaaray Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya maanta waxaa gaaray Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno kale.

Ujeedka Wafdigan ay u tageen magaalada Baydhabo ayaa ah sidii deganada Koonfur Galbeed ay uga fulin lahaayeen mashaariic la xiriirta wax ka qabashada arrimaha Abaaraha ee ku dhuftay degaanadaasi.

Wasiirka Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed Caruush, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo safiirka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya ayaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay.

Wasiir Caruush ayaa sheegay magaalada Baydhabo in maanta uu ka furmay mashruuc loogu tala galay wax ka qabahsada arrimaha Abaaraha, kaasi oo uu sheegay in loogu tala galay degmooyinka Buur-hakaba, Qansax-dheere iyo Xudur.

“Mashruucan wuxuu socon doonaa mudo laba sano ah, wuxuuna bilaaban doonaa isbuuca soo socda, waxaan aad ugu mahadcelineynaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, mashruucaan degaanada Koonfur Galbeed oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waxaan mahad gaar ah u celineynaa Midowga Yurub oo Deeqdan ugu tala galay Koonfur Galbeed oo ah Shan Milyan oo Dollar”. Ayuu yiri Wasiir Caruush.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay ujeedka Baydhabo ay u tageen in ay tahay sidii magaalada Baydhabo ay uga bilaabi lahaayeen Mashaariicda la xiriira arrimaha Abaaraha ee laga fulinayo gobolada dalka oo dhan.

“Waxaan u mahad naqayaa Midowga Yurub oo mashaariicdan fulinaya, maanta waaan nimid mashaariicdii inaan bilowno ayaan ku guda jirnaa, waxaan rajeyneynaa inaan ka mira dhalin doono inta kale”. Ayuu yiri Wasriirka Qorsheynta.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay aad ugu faraxan tahay in ay tagto magaalada Baydhabo, uuna ka bilowdo mashruuca, ayna rajeynayaan in uu gaaro gobolada dalka oo dhan.

“Ujeedka mashruuca Midowga Yurub ayaa ah sidii uu u caawin lahaa dadka ay Abaaraha saameeyeen, waxaan waqti dheer ku fekereynay sidii aaan uga hortagi laheyn oo aan wax uga qaban laheyn Abaaraha, sidaasi darteed waxaan si dhow ula shaqeyn doonaa Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada”. ayay tiri safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.