Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kormeeray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ee Ciidanka Xoogga Dalka oo soo gabagabeeyay tababar ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.
Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyay Ciidamada Xoogga dadaalkooda iyo u diyaargarowgooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.







