Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xeritaanka Wadooyinka Jidcadayaasha ah ee Xaafadaha dhexmara kuwaas oo dhagxaan Waaweyn lagu jaray si Gaadiidka uusan u marin.
Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in arintaan ay tahay mid lagu xaqiijinayo dhanka amniga maadaama horay Gawaari qaraxyo siday oo soo maray Xaafadahaas lagu waxyeeleeyay dad Shacab ah.
Waxa uu sheegay in arintaan aysan dowladdu u sameyn in ay ku dhibaateyso dadka Shacabka ah balse ay tahay mid looga hortagayo qaraxyo kale oo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed uu ku daato sida uu hadalka u dhigay.
Tan iyo markii wadooyinka la xiray Qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho ayaa soo yaraaday balse dadka shacabka ah ayaa aad u dhibsaday Mashquulka badan ee ka jira wadooyinka Laamiga ah taasoo Gawaaridu ay isagu yimaadaan Meelaha baaritaanadu ay ka jirto.