Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo kormeer ku tagaya Xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka ee K/Galbeed

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay in koormeer uu ku tagayo Xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka ee degaanada Koonfur Galbeed.

C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ujeedka koormeerkaasi uu yahay sidii loo ogaan lahaa Xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay Ciidamada ku dhiira gelinayaan sidii ay u xoojin lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab iyo howlgalada ay ka wadaan degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo joogteyn lahaa Xuquuqda Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Saraakiil kale ay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.