Wasiirka duulista oo Amar dul dhigay Shirkadaha Duulimaadka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirneyn ay ka shaqao gali karin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha ka soo dego iyo kuwa ka baxa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo badqabka isticmaalka hawada dalka ayuu ku saleysnaa kormeerka maanta Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada  oo ay wehliyaan Maareeyeyaasha Garoonka.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka Duuliye Ceydaruus Axmed Kaahiye ayaa Wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha Dalka.

’’Maalintii diyaarahada ka soo dego Garoonka waxay ay gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo fara badan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’. Ayuu yiri Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye.

Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista Hawada ayaa faray Shirkadaha Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka howlgalin karin Garoonka.

’’Laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgalo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan badqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn karin Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ’’. Ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la siiyo tababaro dheeraad si ay u guttaan shaqadooda waajibka ah.