Wasiirka Dastuurka oo xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Wasaarada Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore Wasaarada Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen.

Munaasabad Kooban oo Muqdisho lagu qabtay ayaa Wasiirkii Hore ee Dastuurka uu si toos ah ugu Wareejiyay xilka Wasiirka cusub.

Wasiirkii Hore ee Dastuurka ayaa sheegay in Sanadyadii lasoo dhaafay ay horumar gaartay Wasaarada Dastuurka waxaana uu wasiirka cusub ka codsaday in uu sii Amba qaado howlaha Wasaarada.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Dastuurka  Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in uu uga mahadcelinaayo  Xuseen horumarka uu Wasaarada gaarsiiyay Sanadyadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasaarada  Dastuurk ay tahay Wasaarad muhiim ah islamarkaana ay si hufan ay ugu shaqeyn doonaan Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa xilka kala wareegaya Wasiirada hore ee Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid.