Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Somalia, Cabdi Xoosh ayaa ku tilmaamay Qalad Sharci Shirkii Jaraaid ee uu qabtay Wasiirka Amniga ee uu ku sheegay in fasax loo soo qaato Shirarka ka dhacay Muqdisho.
Wasiir Cabdi Xoosh waxa uu soo daliishaday Qodobo Dastuuri ah oo ay ka mid yihiin Qodobadda 16-aad iyo 20-aad ee Dastuurka oo qeexaya Xaqa Muwaadiinta ay u leeyihiin isu imaatin inay qabsadaan.
Wasiir Cabdi Xoosh oo ah Wasiirka u xilsaaran Dastuurka waxa uu hadalkiisu ka hor imaanayaa amar ka soo baxay Wasiirka Amniga oo sheegay inaan Shir lagu qaban Karin Muqdisho, iyadoo aan fasax laga haysan Dowladda Somalia.