Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo safaro ku tagay dalalka Mareykanka,Turkiga, Kenya iyo Masar ayaa si adag ugu hadlay muranka ka taagan qiimaha qaaliga ee shacabka Soomaalidu ku tagaan Xajka.
Wasiir Xabiib ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya inay wax ka qabato cabasho xoogan oo ka jirta qiimaha Soomaalidu sanadkii ku aadan gudashada waajibaadka xajka.
Wuxuuna ku eedeeyay arrintaas shirkadda Jubba Airways inay sabab u tahay sarre u kaca qiimaha xajka oo qofkiiba laga qaato lacag gaareysa $ 4,000 ( Afar kun oo dollar).
Wuxuu sheegay Wasiirka Cadaaladda Puntland 15 bishan 2018 in Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya saxiixi doonaan qoondada Dowladda Sucuudigu ka siisay tirada dadka Soomaalida ee u socdaalaya xajka.
Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa ugu baaqay shirkaddaha duulimaadyadda inay u tartamaan tagitaanka dalka Saudi Arabia xilliyadda xajka, si meesha looga saaro in qollo gaar ah afduub u haysato duulimaadka xajka.